4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar


Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafan, kulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo dan guud ah iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas ayaa sheegay kulankan oo xoojinaya xiriirka labada dhinac, inuu sidoo kale ka helay dhiggiisa Masar ballan-qaad la xiriira dhammaan dhinacyada ay taageerrada uga baahantahay Soomaaliya si dib loogu dhiso hay'adaha dowliga ah loona soo celiyo xasilloonida bulshada.

Si loo gaaro heshiis wada-shaqeyn iyo iskaashi, wuxuu wasiirka Shaqada Masar, Maxamed Saafan marti-qaad rasmi ah u fidiyay wasiir Cabdiwahaab Ugaas , waxaana la isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si ay uga soo baxaan danaha horumarin ee bulshada labada dal.

Waxaa xusid mudan in Wasiir Cabdiwahaab Ugaas uu maalintii afaraad ku suganyahay dalka Masar, halkaa oo uu booqasho rasmi ah uu ku joogo, isagoo kaga qaybgalay shirweynihii 47-aad ee Shaqaalaha Carabta, kaasoo lagu qabtay Qaahira oo uu martigaliyay  Madaxweynaha Masar, Cabdel-Fataax El-Sisi.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]