4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Alshabaab oo madaafiic ku weerartay saldhigga ciidamada Puntland ee Af-urur
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weerartay saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin tuulada Af-urur oo qiyaastii 70km u jirta magaalada Bosaso.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, sida ay HOL u sheegeen saraakiil amni oo katirsan Puntland oo ku sugan aagga buralayda Golis ee gobolka Bari.

Alshabab waxay qoraal ay soo saareen ku sheegeen in ay beegsadeen saldhigyo ay ciidamada Puntland ku sugnaayeen, waxayna tilmaameen in uu dab ka kacay mid kamid ah teendhooyinka ciidamadu ku hoydaan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada aagga buuraha Golis ay halkaas ka sameeyeen howlgallo Alshabaab.

Sannadkii 2017, Alshabab ayaa weerarkii ugu khasaare badnaa ee ka geystay  tuulada Af-urur, iyagoo halkaas ku dilay ku dhawaad 50 askari, sidoo kalena gubay gaadiid dagaal, iyagoo horey usii qaatay hubkii iyo saadkii ciiddanku lahaayeen.

Weerarkaas kadib, Puntland ayaa aad u xoojisay ammaanka saldhigyada buuraha kuyaalla.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online