10/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Hirshabeelle oo baaq kasoo saaray dagaalada Kabxanleey iyo Deefoow
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Kabxanleey ayaa ku baaqay in si deg deg ah u joojiyaan beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi ku dagaalamaya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa ku baaqay in dagaalada ka socda deegaanada Kabxanleey iyo Deefoow ee u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

"Madaxweyne Guudlaawe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay'addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma'udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Gabagabadii wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxa uu Baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Mukhtaar ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddiisa ay diyaar u tahay dhigista gogosha nabadeed ee lagu heshiisiin laha beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanleey.

Baaqyada kala duwan ee kasoo baxay madaxda dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaq imaanaya xili shalay dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan kaasoo daba socday weerar gaadmo ah ay Maleshiyaad kasoo jeeda beesha direed ku dileen todobaadkii lasoo dhaafay dad beeraleey ahaa oo ku sugnaa deegaanka Kabxanleey.

 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/7/2021 6:10 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay istiqaalo uu usoo gudbiyay Agaasimaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin, isagoo dhinaca kale u magacaabay la taliyaha amniga madaxweynaha.

9/7/2021 2:13 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo qabashada doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi.

9/7/2021 1:26 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay'adda NISA sheegtay iney dileen Al-shabaab, iyadoona Shabaab ay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil.

9/7/2021 11:42 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaalidu ay dacaayadayso Somaliland isla markaana ay buun buuniyaan qadiyadaha ka dhan ka ah, isagoo sheegay in ay adeegsadaan dad reer Somaliland ah.

9/7/2021 8:06 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay u dhaqaaqeen deegaanka Kabxanleey oo ay ku dagaalamayaan laba Maleehiyo beeleed.

9/7/2021 7:59 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu shil gaari oo khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay uu ka dhacay inta u dhaxeysa wadada dheer ee xiriirisa Baledweyne iyo Maxaas.

9/7/2021 7:49 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa lagu sheegay magacyada 4 masuul oo ay dowlada Kenya u magacowday xafiiska dibulumaasiyadeed ee ay ka furanayso caasimada Somaliland ee Hargaysa.

9/7/2021 4:38 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafan, kulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar.

9/7/2021 2:05 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

9/7/2021 1:53 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weerartay saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin tuulada Af-urur oo qiyaastii 70km u jirta magaalada Bosaso.

9/7/2021 1:41 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ku boggaadisay tallaabadii uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin.

9/7/2021 1:10 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guud ee beelaha Dir Suldan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo muuqbaahiyaha Saab kula hadlay xafiiska beesha ee magaalada Hargaysa, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanada Kabxanlay iyo Deefow ee gobolka Hiiraan.