4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Caawa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Bambaano lagu weeraray Salaadii Ceshaha kadib barkoontarool oo ku taala Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

Qaraxa Bambaano ayaa lagu tuuray barta koontarool oo la sheegay iney ku taalo afaafka hore ee Buunadada loo yaqaano Bundaweyne, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo.

Inta la xaqiijiyay qaraxa Bambaano waxaa ku dhaawacmay 5 ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa bartakoontarool ee lagu weeraray qaraxa.

Ciidamada ku sugnaa goobta lagula eegtay qaraxa ayaa rasaas farabadan riday qaraxa kadib walow la sheegay ineysan geysan rasaastaasi wax khasaare ah.

Bartakoontarool ee ku taala xaafada Buundaweyn ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loogu weeraray qarax Bambaano kaaso waxyeelo kasoo gaartay askarta ku sugan koontaroolkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]