4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Raysal wasaare Rooble oo la kulmay agaasimaha cusub oo uu u magacaabay hay'adda nabad sugida ee NISA
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiska kula kulmay agaasimaha cusub oo uu u magacaabay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Kulankaan ayaa sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maxkamaddaha Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo  ay horey NISA u sheegtay in ay Shabaab dileen.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli uu madaxweyne  Farmaajo kasoo horjeestay shaqo ka joojinta lagu sameeyay agaasimihii NISA, Fahad Yaasiin, isagoo amray inuu shaqadiisa caadi usii wato.

Khilaafka labada masuul ee ugu sareeya dowladda oo ah markii labaad muddo kooban gudaheed, ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho geeddi socodka arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online