4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Midowga Yurub oo safiir cusub u magacowday Soomaaliya
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Safiirkii hore ee Estonia ee UK Tiina Intelmann ayaa loosoo magacaabay in ay hoggaamiso safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Tiina Intelmann waa qofkii saddexaad oo Estonia u dhashay oo hoggaamiya safaaraddaha dibadda ee Midowga Yurub.

Waxay shaqada kala wareegi doontaa oo xafiiska banaynaya Kadib 3 sano oo uu ahaa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicalos Berlang oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Muqdisho.

Laga soo bilaabo 2014-2017, Intelmann waxay ahayd hoggaamiyaha ergayga Midowga Yurub ee Liberia waxayna ka shaqeyneysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Estonia ilaa 1991-kii.

Diblomaasiyiinta kale ee reer Estonia ee hogaaminaya Wakiillada Midowga Yurub waa Matti Maasikas, Safiirka Midowga Yurub ee Ukraine, iyo Riina Kionka oo loo magacaabay Danjiraha EU ee Koonfur Afrika sannadka 2019.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online