4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Raysal wasaare Rooble oo muddo 48saac ah u qabtay taliye Fahad Yaasiin inuu jawaab ka keeno kiiska Ikraan Tahiil
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Raysal waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo 48 saac ah u qabtay taliyaha hay'adda  NISA Fahad Yaasiin, inuu warbixin dhameystiran kasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil.

Raysal wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay habkii ay hay'adda NISA usoo gudbisay warbixinta geerida Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in aanay ahayn mid lagu qanci karo oo caddeymo wadata.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay sida loo maareeyay kiiska Ikraan in ay kicisay quluubta dadka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay in ay ka dhalatay in afduub loo geysto dad aan waxba galabsan.

Ugu danbayn, raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu go'aan cad ka qaadan doono marka uu lasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil, isagoo shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan oo ay ka war sugaam go'aanka xukuumadiisa ka qaadanayso arrintaan.

Hay'adda NISA ayaa khamiistii shaacisay in Ikraan Tahliil ay gacan u gashay kooxda Alshabab kadibna ay dileen. Balse shaki weyn ayaa ka dhashay kadib markii Alahabaab ay ka iska fogeysay masuuliyadda afuubka iyo geerida Ikraan Tahliil Faraax.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online