4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Qaahira
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar.

Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar  Moustafa Madbouly  waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo  saameynta COVID-19.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya  iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd  wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.

“ Shir sannadeedkan wuxuu na dhaxal siin doonaa inan fursad qeyb ka noqonaysa dadaallada shaqooyin iyo Horumarinta shaqaalaha ku  raadino.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab, isagoo intaa ku daray khudbad uu ka jeedin doono shirka inuu arrimahaa diiradda ku saari doono.

Wasiir oo sidoo kale boggaadiyay doorka safaaradda Soomaaliya ee Masar, ayaa kulamo dooceed la yeelan doona wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.

Iman Jama, Hiiraan Online