4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2021
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay la dagaalanka Al-shabaab


Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirada Gaashaandhiga dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah uga hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Ururka Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga dalkaasi Turkiga ayaa kala hadlay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wanaagsam ee ka dhaxeeya labada wasaaradood.

Wasiir Xasan ayaa sidoo kale dhigiisa dalkaasi Turkiga ka dalbaday sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo tababarada ay la garab taagan yihiin dowlada Turkiga ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gabagabadii wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xaaji Xuseen ayaa si weyn uga mahadceliyay taageerada iyo tababarada hagar la'aaneed ee dowlada Turkiga la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-ka waxay si toos ah u garab taagneyd dowlada Soomaaliya, iyada oo ka caawisay dhanka tababarada ciidanka Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan oo inta badan tababaro kusoo qaata dalkaasi Turkiga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]