10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Hargaysa : Macalin sheegay in laysku dayay in la dilo, oo gurigiisa cabsi la dhex jooga
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Macalin reer Hargaysa ah oo sheegay in uu mudo 15 sano ah macalin ka ahaa dugsiyada ay maamusho hay'ada Al-huda, oo sheegay in uu hay'ada xaqiisii ka doontay kadib markii shaqada laga eryay bishii July, ayaa ku andacooday in hay'adu usoo dirtay dad dila si aanu xaqiisa u doonanin.

Macalinka oo lagu magacaabo Baashe Aadan Haybe, ayaa waraysi uu siiyay Eryal TV ku sheegay in uu wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in uu ku helo xaqii uu yeeshay mudada 15 sano ah ee uu macalinka ahaa, doonistaa oo ay qoonsatay hay'ada Al-huda, taasina ay sababtay in hay'adu u samaysay rag dila sida uu sheegay.

"Habeen kii Salaasada xaafada Badhka anoo socda ayaa gaadhi Noah ah laygu weeraray, gaadhigaasi oo u jeedkiisu markii hore ahaa in uu i jiidho, kadibna meel burciid ah ayaan ku dhacay, gaadhigii 4 nin oo wajiga daboolan ayaa kasoo dagay oo jidhdil ii gaystay, mid kamid ah oo xoog laag iila dhacayay ayaa igu yidhi "yaa ku yidhi hay'ada dacwee?" " ayuu yidhi Baashe.

Baashe waxa uu sheegay in uu aqoonsaday gaadhiga lagu soo weeraray, isagoo sheegay in uu ahaa baabuurka uu leeyahay guddoomiyaha waxbarashada ee hay'ada Al-huda.

"Cidaan tuhunsanahay waxa weeyi cidaa aanu is dacwaynay, gaadhigana waan aqoonsaday, numberkiisuna waxa weeyaan 84695, waana gaadhiga uu guddoomiyaha waxbarashadu kaxaysan jiray" ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in mudadii ka danbaysay isku dayga dil, ay cabsi badani lasoo daristay, isagoo sheegay in wali aan laga hadhin oo waraaq hanjabaada loosoo diray isaga oo gurigiisa jooga.

"Ilaa mudadii gaadhi kasta oo i daba mara waan ka baqayay, waxaan u arkayay in mushkiladi igu xeerantahay, waraaq ayaa guriga la'iigu soo tuuray, aniga oo moodayay in ay tahay waraaqdii laydhka, waxa ku qornayd habeenkii dhawayd waad naga bad baaday calamatul su'aal" ayuu yidhi Baashe.

Baashe ayaa sheegay in uu u dacwooday mid kamid ah saldhigyada booliiska ee Hargaysa lakin waxa uu sheegay in aanu wax caawima ah ka helin ciidankii saldhiga joogay.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/4/2021 2:02 PM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Raysal waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo 48 saac ah u qabtay taliyaha hay'adda NISA Fahad Yaasiin, inuu warbixin dhameystiran kasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil.

9/4/2021 10:48 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar.

9/4/2021 10:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay loona qabanayay arday xafiday Qur'aanka Kariimka ayaa maanta ka dhacday magaalada Jigjiga.

9/4/2021 8:49 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradka Somaliland, ay ku wada guulaystaan dhamaan saddexda xubnood ee shirguddoonka golaha wakiilada.

9/4/2021 8:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wafdigan oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

9/4/2021 7:50 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirada Gaashaandhiga dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah uga hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Ururka Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka dowlada Soomaaliya.

9/4/2021 7:43 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay iscasilaadii Amb Baashe Cawil X. Cumar oo iska casilay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibada oo uu madaxweynuhu u magacaabay 2 bishan, isla markaa madaxweynaha ayaa xilkaa u magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble.

9/4/2021 7:09 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - koox katirsan Al-Shabaab oo watay mootooyin, ayaa saakay weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan kuwa amniga Kenya xilli ay roondo ka wadeen Gobolka Kotulo ee degmada Mandheera.

9/4/2021 2:09 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay afduub Baledweyne loogu geystay wiilal dhalinyaro ah oo loo afduubtay iney isku qoys yihiin taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

9/4/2021 12:36 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Inta badan dowladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa ku boorrinaya Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato xoojinta dadaallada nabad-ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika uu ka tusaale qaadanayo qabsashadii Daalibaan ee Afgaanistaan.

9/4/2021 12:11 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciiddamo katirsan Puntland oo gaaray deegaannada koonfurta gobolka Mudug, si ay uga qeyb qaataan dagaalka Galmudug kula jirto Alshabaab.