10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Maamulka Galmudug oo ka hadlay ciiddamada Puntland ee tagay koonfurta Mudug
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciiddamo katirsan Puntland oo gaaray deegaannada koonfurta gobolka Mudug, si ay uga qeyb qaataan dagaalka Galmudug kula jirto Alshabaab.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay ayaa warbaahinta lagu arkayay ciidamadan oo watay dabaabaadka dagaalka, kuwaas oo isku diyaariyay in ay Galmudug ka caawiyaan dagaalka Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Galmudug Cabdulahi Cabdisalan, ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay iyaga maamulka Puntland ka dalbadeen in ay ka caawiyaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

"Maadaama Puntland, ay khibrad u leedahay la -dagaallanka Alshabaab, waxaan ka codsannay inay naga caawiyaan sidii aan Al -shabaab uga saari lahayn dhulka ay naga haystaan," ayuu yiri Wasiir ku -xigeenka Amniga Galmudug, Cabdulahi Cabdisalaan.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, ayaa maalmo ka hor sheegay inay Galmudug u direen ciidamo khibrad u leh la -dagaallanka Al –shabaab.

"Waxaan u dirnay Galmudug ciidamo yaqaan sida loola dagaallamo Al -shabaab, waana isbahaysi lagu ciribtirayo Alshabaab," ayuu yiri guddoomiye Yare oo ka gaabsaday inuu sheego tirada ciidamada loo diray.

Al Shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegay magaalada Camaara oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taal waddada aadeysa magaalo -xeebeedka Xarardheere, oo ah goob ay al -Shabaab  aad ugu xooggan tahay.

Alshabaab waxay sidoo kale sheegeen in ay ku sugan yihiin degmada Bacaadweyne iyo Shabeellow oo ah dhulkii horay looga saaray, balse ay makii dambe isagoo baxeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/4/2021 2:02 PM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Raysal waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo 48 saac ah u qabtay taliyaha hay'adda NISA Fahad Yaasiin, inuu warbixin dhameystiran kasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil.

9/4/2021 10:48 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar.

9/4/2021 10:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay loona qabanayay arday xafiday Qur'aanka Kariimka ayaa maanta ka dhacday magaalada Jigjiga.

9/4/2021 8:49 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradka Somaliland, ay ku wada guulaystaan dhamaan saddexda xubnood ee shirguddoonka golaha wakiilada.

9/4/2021 8:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wafdigan oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

9/4/2021 7:50 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirada Gaashaandhiga dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah uga hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Ururka Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka dowlada Soomaaliya.

9/4/2021 7:43 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay iscasilaadii Amb Baashe Cawil X. Cumar oo iska casilay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibada oo uu madaxweynuhu u magacaabay 2 bishan, isla markaa madaxweynaha ayaa xilkaa u magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble.

9/4/2021 7:24 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Macalin reer Hargaysa ah oo sheegay in uu mudo 15 sano ah macalin ka ahaa dugsiyada ay maamusho hay'ada Al-huda, oo sheegay in uu hay'ada xaqiisii ka doontay kadib markii shaqada laga eryay bishii July, ayaa ku andacooday in hay'adu usoo dirtay dad dila si aanu xaqiisa u doonanin.

9/4/2021 7:09 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - koox katirsan Al-Shabaab oo watay mootooyin, ayaa saakay weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan kuwa amniga Kenya xilli ay roondo ka wadeen Gobolka Kotulo ee degmada Mandheera.

9/4/2021 2:09 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay afduub Baledweyne loogu geystay wiilal dhalinyaro ah oo loo afduubtay iney isku qoys yihiin taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

9/4/2021 12:36 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Inta badan dowladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa ku boorrinaya Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato xoojinta dadaallada nabad-ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika uu ka tusaale qaadanayo qabsashadii Daalibaan ee Afgaanistaan.