4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray dilka Ikraan Tahliil, fariina u diray Raysal wasaare Rooble
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Raysal wasaaraha Xukuumadda Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado sadax talaabo oo la xiriirta kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax.

Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in si deg deg ah isbadal loogu sameeyo hoggaanka sare ee hay'adda Nabadsugida qaranka si dib loogu soo celiyo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana guddi madax banaan oo loo saaro xaqiijinta kiiska Ikraan.

Warkan kasoo baxay Musharaxiinta ayaa imaanaya xili NISA ay xalay shaacisay in Ikraan ay dileen Al-shabaab, iyadoo Al-shabaabna ay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil.

Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]