Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Raysal wasaaraha Xukuumadda Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado sadax talaabo oo la xiriirta kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax.
newsinsideMidowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in si deg deg ah isbadal loogu sameeyo hoggaanka sare ee hay'adda Nabadsugida qaranka si dib loogu soo celiyo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana guddi madax banaan oo loo saaro xaqiijinta kiiska Ikraan.
Warkan kasoo baxay Musharaxiinta ayaa imaanaya xili NISA ay xalay shaacisay in Ikraan ay dileen Al-shabaab, iyadoo Al-shabaabna ay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil.
Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay:-