4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Amb Baashe Cawil X. Cumar oo iska casilay xilkii uu madaxweyne Biixi u magacabay
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Amb Baashe Cawil X. Cumar oo aha wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya, oo shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Somaliland, ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii wasiir ku xigeen-nimo iyo kii wakiilka Somaliland ee Kenya.

Baashe ayaa iscasilaadiisa ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoo sheegay in uu iska casilay xilkii wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Somaliland iyo xilkii wakiil-nimo ee uu ka hayay xafiis wakiileedka Somaliland ee magaalada Nairobi.

"Mudane Madaxweyne anoo xiganaya  Wareegtadaada summadeedu tahay
JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya" ayuu yidhi Baashe.

Baashe ayaa intaa sii raaciyay in is badalku yahay sunnaha dowlad nimada isla markaana uu madaxwenaha Somaliland uga mahad celinayo wadashaqayntii iyo magacaabistiisa, lakin Bashe ayaan sheegin sababta rasmiga ah ee uu iskaga casilay xilalka.

Amb Baashe Cawil ayaa lixdii sano ee ugu danbeeyay soo qabtay xilalka wakiilka Somaliland ee Imaraatka Carabta iyo dalka Kenya oo uu joogay ilaa iyo 13 Augost 2018 xiligaas oo laga soo badalay xafiiska Somaliland ee Imaaradka oo uu mudo joogay.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]