4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay isku shaandhaynta madaxweyne Biixi
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL)- Xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ku andacooday in isku shaandhayntii uu maalintii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku sameeyay golaha wasiirada ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Xogeeyaha oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha Somali Cable, ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in uu badanka xilalka waawayn ee xukuumadiisa ku taxay masuuliyiin kasoo jeeda beeshiisa.

"Waxan u arkaa isku shaandhaynta uu madaxweynuhu shalay sameeyay qarankii Somaliland oo qoys isku badalay, dhamaan wasaaradihii halbowlayaasha qarankan u ahaa reer baa wada qaatay, beesha dhexe ee uu madaxweynuhu kasoo jeedo ayuu si badheedh ah u siiyay," ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xogeeyaha ayaa sheegay in marka laga qiyaas qaato habka ay u dhisantahay xukuumada madaxweyne Biixi, iyo sida madaxweynuhu golihiisa wasiirada iyo xilalka kale ee hay'adaha ugu qaybiyay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ay foolxumo iyo caddaalad daro ka muuqato.

"Xukuumada Kulmiye siday u dhisantahay markaynu eegno foolxumo intee leeg ayaa ku gadaaman maanta, intayse maanta caalamka wax ka keeni kartaa, qaabkee wax loo iibin karaa, Somaliland waxay ku gadmaysa caddaalad, in khayraadka loo sinaado, gobolo ahaan iyo degmo ahaanba" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isku shaandhayntii ugu balaadhnayd  ku sameeyay golihiisa wasiirada tan iyo markii uu xilka lawareegay sanadkii 2017.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]