4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Qaali Maxamuud Guhaad "Gabdheyda Shabaab ma dilin ee waa ku raad tirasho warka NISA"
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Iyadoo Xalay ay shaacisay hay'adda Nabadsugidda Qaran Soomaaliyeed iney shabaab dileen Ikraan Tahliil Faarax oo mudo laba bilood ah warkeeda lagu waysana nolol iyo geeri.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan seyrtay hadalka kasoo yeeray hay'adda NISA ee ah in gabadheeda dileen Al-shabaab.

"Gabadheyda Shabaab ma dilin mana joogin meel ay shabaab ka wadan karaan oo markii ugu wardambeysay waxaa soo wacay taliyaha NISA baabuur NISA leedahay ayaana lagu qaaday marka warka ah way dhimatay ee hay'adda NISA kasoo yeeray waa war ku raad tirasha ah oo aanan waxba ka jirin"ayay tiri hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa sidoo kale sheegtay iney xiriiro kala duwan la sameeyeen meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo ay ka baadi goobeen gabadheeda, balse Shabaabku ay cadeeyeen ineysan gabadhaasi gacanta u soo galin ayna dilin.

Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dareen leh iney u kacaan sidii ay cadaalad u heli laheyd gabadheeda oo wali aysan nolol iyo geeri midna lagu heynin, hay'adda Nabadsugidana ay xalay sheegtay in gabadhaasi dileen Al-shabaab.

Majirto war rasmi ah oo wali kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo cadeyna iney dilka Ikraan Tahliil ayaga ka dambeeyaan marka laga soo tago qoraalka kooban ee NISA ku shaacisay in Shabaab dileen Ikraan Tahliil.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]