12/2/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii Musharaxiinta Aqalka sare

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee Somaliland oo lagu waday iney maanta dhacdo.

Guddiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku shaaciyay in dib loogu dhigay hadal jeedinta Musharaxiinta sababo aysan sheegin, balse ay sheegeen iney dib kasoo sheegi doonaan waqtiga Musharaxiinta khudbadahooda jeedin doonaan.

"War galin Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan  musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheeegi doonaa wakhtiga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhacan uu yimid kadib markii la sheegay in xalay Madaxweyne Farmaajo uu madaxtooyada ugu yeeray sideed ka mid ah oday dhaqameedyada ugu saameynta badan ergada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kuraasta xubnaha Aqalka sare ku matalaya Somaliland ee dib u dhaca ku yimid ayaa lagu waday in maalinta berito oo Talaado ah ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/27/2021 1:09 PM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirkii haweenka ee Itoobiya, oo ahayd mas'uulkii dowladdeed ee ugu horreeyey ee qira in kufsi dhacay intii uu socday dagaalkii Tigray, ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqday in ay is casishay.

9/27/2021 10:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda Lt. Genaral Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Uganda oo uu hogaaminaayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna si gooni gooni ah kulamo ula kala qaateen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

9/27/2021 8:55 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidanka Booliska iyo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka dhacay magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

9/27/2021 8:44 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Kayse Cali Geedi, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbiga, wuxuuna sheegay in uu isku casilay sharci jabin uu guddoomiyaha xisbigu sameeyay awgeed.

9/27/2021 7:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo maraayay inta u dhaxeysa Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Lamu.

9/27/2021 6:25 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariiste majaajiliistahii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta Muqdisho ku geeriyooday.

9/27/2021 4:32 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

9/27/2021 1:28 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay hoos usii socdaan mashaariicda ka socota Puntland, taasoo uu sheegay in ay ugu wacan tahay sida ay madaxda Puntland u dhaqmayaan.

9/27/2021 1:21 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.