4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Maxay kawada hadleen madaxwenaha Puntland iyo wafdiga beesha caalamka ee tagay magaalada Garowe?
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiirrada.

Kulankaan ayay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka qaran ee Soomaaliya iyo kuwa maxalliga ee Puntland ka dhicidoona bisha soo socota, kuwaas oo ah doorashooyinka golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni oo kulanka kadib saxaafadda kula hadlay shir jaraaid, ayaa sheegay in wafdiga beesha caalamka ay iska wareysteen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka madaxda DFS.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabaan in dalku galayo doorasho nabdoon, lagana gudbi doono caqabadaha haatan hortaagan.

James Swan oo isna ka hadlay kulanka wuxuu sheegay in ay madaxweynaha Puntland la wadaageen walaaca beesha caalamka ee ku saabsan khataraha ay murannada siyaasadeed ee socda ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha qaranku ku yeelan karaan geeddi–socodka doorashada.

“Madaxweyne Deni iyo wafdigayagu waxay isla garteen in madaxda Soomaaliya ay tahay inay sii wadaan wadashaqaynta, si ku dhisan midnimo qaran, si looga gudbo khilaafaadka. Waxaan dhammaan ku boorrinaynaa in horey loo socdo, lana fuliyo ballanqaadkii ahaa in doorashooyin qaran oo lagu kalsoonaan karo ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talagalay si waafaqsan heshiiskii 27 May,” ayuu yiri James Swan.

Booqashada maanta uu Garowe ku tagay James Swan waxay ahayd booqashadii ugu dambaysay oo ay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kulamo kula yeeshaan madaxda Dawladdaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Safiiraddii kale ee James Swan socdaalka ku wehliyay waxay kala ahaayeen; Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Danjiraha Sweden ee Soomaaliya, Danjire Per Lindgarde.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online