4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Fahad Yaasiin oo maanta la wareegay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Farmaajo
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka lataliyaha amniga qaranka oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in munaasabad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya uu xilka uu si toos ah ugala wareegay Fahad Yaasiin Lataliyahii hore ee amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

"Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali.  Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go'an tahay horumarinta Amniga Qaranka" ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Lataliyaha cusub ee amniga qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyay magacaabista xilkan cusub, islamarkaana sheegay in  madaxweynaha ay ka go'an tahay horumarinta amniga qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadaan maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaaneysa xili wali khilaaf xoogan uu ka dhex jiro madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble, kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo sabab u noqday markii dambe in xilka qaadis lagu sameeyo Fahad Yaasiin oo xiligaa ahaa taliyahii Nabadsugida Qaranka, isagoona maanta ugu dambeyn la wareegay xilka cusbaa ee madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay ee ah Lataliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]