4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Booliiska Soomaaliya iyo AMISOM
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Taliska Booliiska AMISOM, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray fududeynta amniga iyo hirgelinta doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo magaalada Muqdisho ka qabsoomi doonta Isbuucaan gudahiisa.

Raysal wasaare Rooble ayaa faray taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo AMISOM iney dardar geliyaan howlaha sugitaanka amniga doorashooyinka dalka gaar ahaan doorashada Aqalka sare ee Soomaaliland.

"Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM  iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland),ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Internet-ka ee Xafiiska Raysal wasaara Soomaaliya.

Berrito ayaa lagu wadaa in Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland iney jeediyaan khudbadahooda Musharaxnimo, iyadoo maalinta ku xigtana qorshaha yahay iney dhacdo doorashada kuraasta aqalka sare ee Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]