4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Siciid Deni oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uusan doorashada iyo amnigeeda caqabad ku noqon
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uusan caqabad ku noqon wixii lagu heshiiyay oo ah in doorashada iyo amniga dalka uu masuul ka yahay raysal wasaare Rooble.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in dowlad goboleedyadu in ay marqaati ka yihiin in madaxweyne Farmaajo uu barqo ah ku wareejiyay RW Rooble doorashada iyo amniga dalka.

“In lagu murmo heshiiska doorashada 27 -ka May waxay ceeb ku tahay saxiixayaasha, waxaan rajaynayaa in heshiisku sidiisii u socdo, oo la siiyo RW fursad uu ku qabto doorashada,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Deni sheegay is qabqabsiga madaxda sare inuu rajo xumo weyn galiyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in la ixtiraamo heshiisyadii horey loo kala saxiixday.

Dowlad goboleedyada ayuu ugu baaqay in ay raysal wasaaraha gacan ku siiyaan sidii doorashada si hufan ugu dhici lahayd.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online