12/2/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Qarax khasaare geystay oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.

Qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray kolanyada ciidamada Burundi xili ay wadada marayeen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa bartooda internet-ka  ku sheegtay in qaraxa miino ee ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ay ku dileen ilaa 7 askari oo ka mid ahaa kolanyada ciidamada Burundi iyo ee kusii jeeday gudaha magaalada, islamarkaana uu gabi ahaanba burburay mid ka mid ahaa gaadiidka qaraxa uu haleelay.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa marar badan qaraxyo miino ah la beegsaday Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ku socdaalaayay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi oo saaka qaraxa miino lala beegsaday iyo khasaaraha kasoo gaaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/25/2021 9:59 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

9/25/2021 7:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

9/25/2021 5:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

9/25/2021 4:53 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.