12/2/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Galmudug oo shaacisay in ay faraha ka laabatay waan-waantii ay ka dhex wadeen Farmaajo iyo Rooble
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Galmudug ayaa sheegtay inay faraha ka laabatay dhexdhexaadinta ay ka dhex waday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble, kadib markii dhex-dhexaadintoodii waxba ka socon waayeen.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay in la waayay habo yaraatee wax iskusoo dhawaansho ah, ayna madaxdu isku tanaasuli waayeen si walba oo la isugu dayay.

“Howl ciddii la rabay in ay qaboojiso ay shidayso, si loogu sii dhex jiro oo loo dhex dhexaadiyo way adkaatay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug, oo la hadlayay BBC Somali.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu tilmaamo darafka uu shirka ka socon waayay ee masuulka ahaa inuu shirku fashilmo, wuxuuna  ku gaabsaday in ay cid waliba ogtahay cidda wax ka socon waayeen.

‘Annagu juhdigii iyo waqtigii aan galinay in la heshiiyo way socon waayeen, mar haddii la heshiin waayay oo wixii aan hoggaaminaynay ay burbureen, waxaan caddeynaynaa in aan bannaanka ka taagannahay, “ayuu yiri wasiir Falagle.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa sidaas oo kale horay faraha ugala baxay,  kaddib markii ay socon waayeen dhex-dhexaadintii ay todobaadkii hore  wadeen Lafta gareen iyo Qoorqoor.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/24/2021 4:15 PM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan dadweyne oo ka dhacay bartamaha degmada Dhahar , wuxuu ka sheegay in degmada Dhahar iyo deegaannada ku dhow ay u baahanyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

9/24/2021 9:49 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

9/24/2021 9:00 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka Qaramada Midoobay, ayaa go’aan ka gaari doonta kiiska xadeynta badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya 12 -ka Oktoobar, saacaddu markay tahay 4 -ta galabnimo xilliga Muqdisho.

9/24/2021 6:51 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan Dhahar ayaa maanta dhagax dhiggay garoon diyaaradeed oo ay yeelanayso Dhahar, kaa horey sahmin loogu sameeyay.

9/24/2021 2:32 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi oo ah xildhibaanka lagasoo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in qof maskaxda ka xanuunsan uu ka dambeeyay cabsi shalay laga dareemay suuq kuyaalla xaafadda Islii oo la sheegay in qarax lagu xiray.

9/24/2021 2:09 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wada hadal maalmihi la soo dhaafay laga dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

9/24/2021 1:54 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaysanta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan aqalka hoose Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu guul daaystay qorshe la isku dayay in looga hor istaago deegaan doorashadiisa.