4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug oo shaaciyay inuu fashilmay wada hadalkii Farmaajo iyo Rooble
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wada hadal maalmihi la soo dhaafay laga dhex waday  Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

Wasiiru dowlaha oo xalay bartiisa facebook kusoo daabacay qoraal dheer ayaa sheegay in ugu dambayn dadaaladii uu waday madaxweynaha Galmudug ay xalay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Cumar Shido wuxuu sheegay Raysal wasaare Rooble garabkiisa in ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca madaxweyne Farmaajo uu sheegay in lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay fashilka shirka.

Wasiirka Galmudug ma uusan sheegin waxa soo dajiyay fashilka shirka, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in lagu heshiin waayay arrinta magacaabida madaxda hay’adda NISA.

Madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa khilaafkoodu sii xoogaysanayaa xilli beesha caalamku ay ku baaqday in si degdeg ah  loo dhameeyo khilaafka, si aanay doorashada saameyn ugu yeelan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online