12/2/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Tiyaatarka Qaranka oo 30 sanno kadib lagu soo bandhigay Filim Dhalinyaro Soomaaliyeed Sameeyeen
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Mudo 30 sano kadib ah waxaa Xalay  Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed lagu soo bandhigay Filim cusub oo ay jilayeen dhalinyaro Soomaaliyeed maskaxdiisana ay laheyd gabar Soomaaliyeed.

Dhalinyaro farabadan oo si aad ah u xiiseynaayay daawashada Aflaanta xalay lagu soo bandhigaayay Tiyaatarka Qaranka ayaa buux dhaafiyay Tiyaatarka si ay u daawadaan filimaanta xalay halkaasi lagu soo bandhigaayay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka mid ahaa dadka u daawasho tagay 30 sano kadib filimaan lagu soo bandhigaayay tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Dubbe oo la hadlayay boqolaalka dhalinyarada ah ee xalay u daawashada tagay Tiyaatarka Qaranka si ay u daawadan 30 sano kadib filmkii ugu horeeyay ee lagu soo bandhigaayay Xarunta madadaalada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in 30 sano kadib dhalinyaro Soomaaliyeed ay tiyaatarkii qaranka kusoo bandhigaan hal abuurkooda.

Keyf Jaamac oo aheyd gabadhada ka dambeysay maskaxda laba filim oo xalay lagu soo bandhigay tiyaatarka qaranka ayaa sheegtay iney dareemeyso farxad siyaado ah maadama hal abuurkeeda kusoo bandhigtay tiyaatarkii qaranka Soomaaliyeed.

"Waxaan si weyn u dareemayaa farxad aan lasoo koobi karin maadama aan helnay sano badan kadib goob aan kusoo bandhigno hal abuurkeena, waxaana caawa la daawaday laba filim oo ku kala saabsana Khilafka Lamaanaha is jecel iyo mid Cabsi cabsi ahaa oo ay labadooduba jilayaan dhalinyaro Soomaali ah" ayay tiri Kef Jaamac.

Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa majaajiliistayaasha ah ayaa sidoo kale sheegay iney si weyn u farxad galineyso inay arkaan Tiyaatar ay iyaga leeyihiin oo ay kusoo bandhigan karaan fikradahooda iyo jiliinkoodaba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/23/2021 1:22 PM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa socdaal toddobaad qaadanaya Khamiista maanta ku gaaray Puntland , isagoo galinkii hore ka deggay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

9/23/2021 11:23 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Gaadiidley ka careysan Canshuur kordhin ay ku sameeyeen maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw kala xiray isku socodka Gaadiidka isticmaala wadooyinka magaalada Baledweyne.

9/23/2021 11:04 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Jeneral Jaamac Maxamuud Aadan (Dollaal), oo hore uga tirsaa millitariga Somaliland, isla markaana 11 April ee 2021, Maxkamada Millitariga Somaliland ku riday 2 sano oo xadhiga ah, kadib markii lagu eedeeyay danbi ah in uu qorshaynayay falal ka dhan ah qaranimada Somaliland, ayaa sheegay in xadhigiisu uu sharci daro ahaa.

9/23/2021 9:39 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Xaalad kacsanaan ah ayaa galabta ka jirtay xaafadda Islii, kadib markii xarun ganacsi oo lagu magacaabo yare Taawar oo dhawaan la dhisay looga shakisan yahay in lagu xiray qaraxyo.

9/23/2021 7:09 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaaliyadii Talyaanigu ay ka aqoon liidatay Somaliland, lakin midowgii kadib ay iyagu wax walba qaateen, taasina ay sababtay in Somaliland aqoon iyo horumarba laga badiyo. Waxa uu intaa ku daray in hogaan la'aani ay haysato Somaliland ta maanta.

9/23/2021 7:04 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada amaanka degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney si KMG ah u joojiyeen gaadiidka isaga kala gooshi jiray magaaloyinka Marka iyo Muqdisho.

9/23/2021 5:45 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta is hor istaag ku sameeyya in wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan soo dhowayn loogu sameeyo magaalada Garowe, oo uu kasoo dagay.

9/23/2021 5:16 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah 15 sano ku xukuntay laba ajaanib ah oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

9/23/2021 2:27 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Arbacadii shalay magaalada Doxa ee dalka Qatar u diray, Xoghihiisa Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang'i, si uu farriin u gaarsiiyo amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

9/23/2021 2:07 AM EST
Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Madaxda golaha wadatashiga qaran ayaa kulan ku yeeshay aalada fogaan arraga Zoomka, waxaana kulanka shir guddoominaayay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.