4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Faysal Cali Waraabe" Soomaaliya markaynu isku biirnay inaga wadnay"
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaaliyadii Talyaanigu ay ka aqoon liidatay Somaliland, lakin midowgii kadib ay iyagu wax walba qaateen, taasina ay sababtay in Somaliland aqoon iyo horumarba laga badiyo. Waxa uu intaa ku daray in hogaan la'aani ay haysato Somaliland ta maanta.

"Soomaaliya markaynu isku darsanay inaga wadnay, waynu ka aqoon badnayd, maanta way inaga aqoon badanyihiin, waxa weeyi dee dowladnimadii bay qaateen, inagu waxaynu noqonay tuulooyin laga guuray" alxamdulilaahi Rabi Caalamiin maanta waynu soo ceshanay, intaaso jaamacadood baynu leenahay" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku andacooday in umada Somaliland ay tahay, umad wanaagsan, lakiin ay ku yar yihiin dadka leh awooda hogaamineed, isagoo sheegay in Somaliland uu dhidibada u taagay madaxweyne Cigaal, lakinse aan ilaa hada lahayn qofkii badali lahaa.

"Waxaynu nahay umad wanaagsan lakin waxa inagu yar awooda hogaamineed, maanta halkan aynu joogno waxa inaga soo gaadhsiiyay Alle mahadii Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo ahaa halyay lamid ahaa Jamaal Cabdinaasir, ilaa hada ku xigeenkiisii mahayno" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in uu markii afraad isku diyaarinayo in uu u ordo madaxnimo, isagoo sheegay in uu  wax badan badali doono hadii la doorto.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]