4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Maxkamadda ciiddamada qalabka sida oo 15 sano oo xabsi ku riday labo ajaanib ah oo katirsan Alshabab
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah 15 sano ku xukuntay laba ajaanib ah oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa xukuntay labadan nin oo u kala dhashay dalalka British iyo Malaysia kadib markii ay xaqiijisay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sida ku cad dacwad oogista, labadoodu waxay Soomaaliya ka soo galeen Kenya sanadkii 2009.

17 september ayay ahayd markii ay maxkamadda ugu dambayn u fariisatay dhegaysiga dacwadooda kadib muddo labo sano oo ay ku qaateen xabsi ciiddan.

Labadan nin ayaa markii hore loo xiray shaki ku saabsan in ay yihiin basaasiin caalami ah, hase yeeshee baraitaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay katirsan yihiin Alshabaab.

Maxkamadda ciiddamada Soomaaliya waxay heshay in ay kasoo qeyb qaateen dagaallo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo katirsan Alshabaab.

Xukumanayaasha ah waxay haystaan muddo 30 cishe ah oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka lagu riday.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online