4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo ka hadashay ganacsato Soomaaliyeed ah oo lagu xiray xiray dalkaas
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa markii ugu horraysay ka hadashay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xirxiray dalka Turkiga, kuwaas oo ay markii dambe gacan ka geysatay siidayntooda.

Safaaraddu waxay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay in loo qabtay muddo soddon maalmood ah in ay dalka kaga baxaan, oo dib u soo dalbadaan fiise shaqo, oo ay ku ganacsan karaan ama ku shaqayn karaan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Ambassador Jaamac Caydiid, ayaa sheegay sharciga u yaalla dalka Turkiga inuu dhigayo in qofka dalka ku jooga deganaansho ardaynimo ama dalxiis uusan xaq u lahayn in uu shaqeeyo ama ganacsi ka furto. Haddii lagu qabtana la masaafurinayo.

Sharcigan oo ay dawladdu haatan dhaqan gelintiisa dardar gelisay, ayuu safiirku sheegay inuu saamayn doono dad badan oo ganacsiyo ku leh dalka Turkiga, oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi badan oo kale.

Safiirka ayaa Soomaalida dalkaas ka ganacsata kula taliyay in ay cashar ka qaataan ganacsatada Soomaaliyeed ee loo xirxiray in ay jebiyeen sharciga dowladda Turkigu soo rogtay

“Ganacsatada waxaa waajib ku ah in ay dib u eegaan sharciga ay ku shaqaysanayaan iyo ka ay dalka ku joogaan.  Dadka ku jooga ardaynimada, dalxiiska iyo caafimaadku shaqo iyo ganacsi midna kama geli karaan. Waxaa looga baahanyahay deganaansho shaqo “Work Permit” ama “Çalışma İzni”, ayuu yiri safiir Jaamac Ceydiid.

Muddo lix cishe ah ayay ganacsatada Soomaalida ku xirnaayeen dalka Turkiga. Waxaa xusid mudan inuu ganacsigoodu ahaa mid sharciyaysan oo canshuurta laga bixiya, balse dadka furtay ama ka shaqaynayey, ayaa lagu helay in aysan haysan degaanaansho shaqo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online