4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog, kaasoo ka dhacay Garaashka Cawaale ee xaafada Wadajir ee magaalada Marka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa kadib ay maqleen rasaas aad u fara badan oo ay fureen ciidamada dowladda oo ku sugnaa Saldhiga degmada Marka oo aad ugu dhawaa garaashka Cawaale ee uu qaraxa miino ka dhacay.

Qaraxa miino ee ka dhacay magaalada Marka ayaa lasoo warinayaa inuu geystay khasaare aanan si rasmi ah loo ogaan karin maadama daqiiqado kooban ka hor uu qaraxa dhacay, mana jirto faahfaahino dheeraad ah oo sheegaya qaraxa cida lala beegsanayay.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]