4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Ciidanka Booliiska Somaliland oo qabtay tuugo dhac ka gaystay Hargaysa
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan, 2 nin oo bakhaar Hargaysa ku yaala ka dhacay lacag dhan 120 milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo 3000 oo dollarka Maraykanka ah.

Taliye ka tirsan ciidanka booliiska ayaa sheegay in tuugadu ay bakhaarka xaga danbe kasoo dalooliyeen, isla markaana ay jabsadeen qasnadii ay lacagtu ku jirtay saq-badhkii xalay.

"Saacadu markay ahayd 1:00am habeenimo ayaa bakhaar ay leedahay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Farax Faarax Cali, la jabsaday, waxaana lagala baxay lacag dhan 120 milyan oo shilinka Somaliland ah iyo $3000, waxaana jabsaday 2 tuug, bakhaarka meel bay kasoo dalooliyeen, dabeedna foosto ay lacagtu ugu jirtay ayay kala baxeen" ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliisku ay qaadeen howlgal socday galinkii danbe ee xalay oo dhan, isla markaana ay saaka subixi ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysanayaasha iyo lacagtii.

"Taliyaha ciidanka booliisku markii uu ii sheegay aniga oo taliye qaybeed ah ayaa dag dag uga howlgalay, subixi ayaanu qabanay lakiin ciidanku habeenkii oodhan howlgalka ayay ku jireen".

Cabdi Fatax Axmed Aw Muxumed oo ah gudoomiyaha suuqa ganacsiga Hargaysa ayaa dhacdacan ku tilmaamay wax anay filayn oo ay aad ula yaabeen.

"Runtii waxay ahayd dhacdo anaan hore u arag, waanu arki jirnay tuug albaabka soo jabiya, lakiinse dhacdada ah in gidaar dhan la burburiyo oo wixii yaalay laga dhex qaato, waxay nagu noqotay runtii arrin anaan sugayn oo fajiciso ah" ayuu yidhi.

Cabdiqani Sh. Maxamuud oo kamid ah sariflayaasha magaalada Hargaysa, ayaa HOL u xaqiijiyay, in eedeeysanayaasha la qabtay iyaga oo lacag 5 milyan oo shilin ah ka sarifanaya meheradiisa, isla markaana sita bac wayn oo lacag ah, Cabdiqani ayaa intaa ku daray in mid kamida eedaysanayaashu uu kamid ahaa shaqaalaha bakhaarka lacagta laga dhacay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]