3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Ciidanka Booliiska Somaliland oo qabtay tuugo dhac ka gaystay Hargaysa
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan, 2 nin oo bakhaar Hargaysa ku yaala ka dhacay lacag dhan 120 milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo 3000 oo dollarka Maraykanka ah.

Taliye ka tirsan ciidanka booliiska ayaa sheegay in tuugadu ay bakhaarka xaga danbe kasoo dalooliyeen, isla markaana ay jabsadeen qasnadii ay lacagtu ku jirtay saq-badhkii xalay.

"Saacadu markay ahayd 1:00am habeenimo ayaa bakhaar ay leedahay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Farax Faarax Cali, la jabsaday, waxaana lagala baxay lacag dhan 120 milyan oo shilinka Somaliland ah iyo $3000, waxaana jabsaday 2 tuug, bakhaarka meel bay kasoo dalooliyeen, dabeedna foosto ay lacagtu ugu jirtay ayay kala baxeen" ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliisku ay qaadeen howlgal socday galinkii danbe ee xalay oo dhan, isla markaana ay saaka subixi ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysanayaasha iyo lacagtii.

"Taliyaha ciidanka booliisku markii uu ii sheegay aniga oo taliye qaybeed ah ayaa dag dag uga howlgalay, subixi ayaanu qabanay lakiin ciidanku habeenkii oodhan howlgalka ayay ku jireen".

Cabdi Fatax Axmed Aw Muxumed oo ah gudoomiyaha suuqa ganacsiga Hargaysa ayaa dhacdacan ku tilmaamay wax anay filayn oo ay aad ula yaabeen.

"Runtii waxay ahayd dhacdo anaan hore u arag, waanu arki jirnay tuug albaabka soo jabiya, lakiinse dhacdada ah in gidaar dhan la burburiyo oo wixii yaalay laga dhex qaato, waxay nagu noqotay runtii arrin anaan sugayn oo fajiciso ah" ayuu yidhi.

Cabdiqani Sh. Maxamuud oo kamid ah sariflayaasha magaalada Hargaysa, ayaa HOL u xaqiijiyay, in eedeeysanayaasha la qabtay iyaga oo lacag 5 milyan oo shilin ah ka sarifanaya meheradiisa, isla markaana sita bac wayn oo lacag ah, Cabdiqani ayaa intaa ku daray in mid kamida eedaysanayaashu uu kamid ahaa shaqaalaha bakhaarka lacagta laga dhacay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/21/2021 12:41 PM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Golaha wakiilada Somaliland ayaa shaqadii ka joojiyay Hay'ada Caymiska Somaliland, oo ay sheegeen in sababo sharci awgeed shaqada hay'ada hakad loo galiyay.

9/21/2021 10:01 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno kale oo ka tirsana qoyska Ikraan Tahliil.

9/21/2021 8:03 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markale dhexdhexaadin laga dhex bilaabay labada masuul ee ugu sareysa dalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

9/21/2021 7:23 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay kalasoo wareegtay masuuliyadda Hay'adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

9/21/2021 7:10 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay ka badbaaday barqanimadii maanta isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo, kaaso dhicisoobay.

9/21/2021 6:24 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah loo soo saaray Liiska Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland oo ay si wadajir ah usoo xuleen guddoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

9/21/2021 2:26 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay lama huraan tahay in si degdeg ah loo dhammaystiro geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee haatan socda.

9/21/2021 1:36 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Waxaa subaxnimadii hore ee Saakay soo gaaray magaalada Muqdisho taliyahii hore ee Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin haatana ah Lataliyaha amniga qaranka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

9/21/2021 1:29 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Somaaliya ayaa soo jeedisay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ay dib usoo celiyaan bandowgii habeenkii ee lagu xakamayay faafitaanka COVID-19.

9/21/2021 1:18 AM EST
Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta madaxtooyada Hirshabeelle kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Senatarada cusub ee maamulkiisa ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.