4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Senatarada cusub ee lagu doortay Jowhar
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta madaxtooyada Hirshabeelle kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Senatarada cusub ee maamulkiisa ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Senatarada lasoo doortay, islamarkaana u sheegay iney horyaalaan shaqooyin adag loona baahan yahay in bulshada si wanaagsan ugu shaqeeyaan.

Senatarada cusub ee Hirshabeelle lagu doortay ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxweynaha Hirshabeelle sida uu usoo saaray liiskii hufnaa ee Musharaxiinta Aqalka sare, iyagoona sheegay iney kasoo dhalaali doonaan howlaha loo doortay.

Kulankan ka dhacay madaxtooyada Hirshabeelle waxaa qeyb ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan labadiisa ku xigeen, wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle .

Kulankan ayaa imaanya xili doorashada kuraasta Aqalka sare ay ka harsan tahay laba kursi oo lagu wado in la doorto saacadaha soo socda, kuwaas oo ka dhigiya kuwa dhameystiran hadii la doorto  sideeda kursi ee Hirshabeelle Aqalka sare uga mid noqonaya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]