4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Maamulka degmada Buula burte oo faahfaahin ka bixiyay qaraxyadii lagu burburiyay dhismahii garoonka diyaaradaha Buula burte
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka degmada Buula burte ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar qaraxyo ahaa oo lagu burburiyay dhismahii garoonka diyaaradaha degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Axmed Mahad Nuur ayaa sheegay in ilaa 5 ruux ay ku dhaawacmeen qarax noociisu ahaa miino oo dhulka lagu aasay kaasoo qeyb ka ahaa qaraxyada Shabaab ku burburiyeen dhismaha garoonka diyaaradaha Buula burte ee loogu talo galay iney ku nastaan dadka ka dhoofaya ama kusoo dagaya garoonka Buula burte.

Waxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Axmed Mahad Nuur in markii maamulka iyo ciidamada ku baxeen garoonka uu ka dhacay qarax ay Al-Shabaab meel ku aaseen , isla markaana Shanta qof ay ku dhaawacmeen uu sheegay in mid ka mid ah dhaawaciisa daran yahay loona qaadayo Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada Al-shabaab ku burburiyeen dhismahii garoonka diyaarada Buula burte ay u sahashay garoonka diyaaradaha oo aanan laheyn wax ilaalo ah mar hadii la gaaro waxii ka dambeeya 02:00 duhurnimo ilaa subixii waaga uu ka baryo maadama ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaalida ay garoonka tagaan kaliya xiliga diyaarada soo dageysa ay soo dhaw dahay marka ay duushana ay dib ugu laabtaan gudaha degmada Buula burte, maadama uu garoonka ku yaalo duleedka magaalada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Dad badan ayaa is weeydiinaya sababta ay ku dhacday in Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay Al-Shabaab si fudud qaraxyo ku burburiyaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]