4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Shirkii dowlad goboleedyadu isugu imaan lahaayeen magaalada Garowe oo baaqday
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Shirkii wadatashiga ahaa ee ay maalinta berrito ah dowlad goboleedyadu ku qabsan lahaayeen magaalada Garowe, ayaa baaqday, sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland.

Shirkaan ayaa sababta uu u baaqday waxaa lagu sheegay codsi ka yimid madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka wada kulamo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, ayaa shalay la kulmay raysal wasaare Rooble, inkastoo aan la ogayn waxa kasoo baxay kulankooda, haddana xogo la helayo waxay sheegayaan in kulankaas kadib uu madaxweyne Qoorqoor ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada in shirka Garowe dib loo dhigo.

Shirka Garowe waxay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadu kaga arrinsadaan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaraha Soomaaliya.

Dhawaan, madaxweynayaasha Galmudug iyo koonfur galbeed ayaa ku guuldaraystay in ay dhex dhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble, kadib markii madaxdu mowqif adag ka kala istaageen arrimaha la isku hayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online