4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Proff. Cabdiwahaab Sheikh Cabdisamad oo lasii daayay kadib labo todobaad oo la weysanaa
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo la sheegay in la afduubtay horraantii bishan ayaa la siidaayay, sida uu sheegay Haki Africa, oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha oo qaabilsanaa daba galka kiiskiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay in Cabdiwahaab uu hadda la joogo qoyskiisa. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan afduubka aqoonyahanka lama bixin, iyadoo Haki Africa ay xaqiijisay in qoyskiisu ay warbaahinta kala hadli doonaan kiiska afduubka aqoonyahanka.

Warka waxaa sidoo kale xaqiijiyay Faarax Macallin, guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, kaas horey uga codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu amro sii deynta Cabdiwahaab.

Dowladda Kenya weli kama hadlin kiiskan tan iyo siddeedii bishaan oo ahayd waqtigii Proff, Cabdiwahaab Sheikh Cabdisamed laga qafaashay bartamaha magaalada Nairobi, isagoo afduubkiisana ay ka dambeeyeen ciidamada booliiska Kenya.

Maqnaashaha agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istaraatijiyadda Geeska Afrika, ayaa buuq ka abuuray dalka Kenya, iyadoo qoyskiisu ay ku eedeeyeen inuu lug ku leeyahay xarrigiisa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online