4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Hay’adda NISA oo shaacisay in Ikraan Tahliil faarax ay gacanta u gashay Alshabaab ayna dileen
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Hay’adda NISA ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday in Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka oo warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021, la helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Alshabaab kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxay sheegtay in gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ay ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxayna sidoo kale Hay’adda Sirdoonku sheegtay in ay la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

" Waxaan uga tacsiyeynaynaa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA waxay sheegtay in ay ku daba jirto dadkii  geystay falka lagu dilay Ikraan Tahliil Faarax, sharcigana la hor gayndoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online