4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Madaxweynaha Hirshabeelle " Doorashada Aqalka sare waxaa isku soo sharaxi kara Muwaadin walba oo xaq u leh"
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Munaasabada lagu furayay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Hirshabeelle, qaar ka mid ah Musharaxiinta Senatarada Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliyo iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlayay munaasabada furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in waqtiga ugu badan uu maamulkiisa kaga baxay khilaafaadka ragaadiyay howlaha doorashooyinka dalka, islamarkaana sheegay in haatan maamulkiisa uu u dhaqaaqayo qabashada doorashooyinka.

" Waxa balan qaadaya in muwaadin kasta oo doonaya inuu tartamo oo soo buuxiyo sharuudaha Musharaxnimo in lagu soo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare, oo aanan wax culeys ah oo gaara la saari doonin muwaadin walba oo xaq u leh oo doonaya inuu tartamo" ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale khudabadiisii furitaanka Kalfadhiga Baarlaamaanka Hirshabeelle kaga hadlay iney jiraan Mashaariicyo horumarineed oo uu maamulkiisa ka wado deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe khudbadiisa maanta marnaba kuma soo hadal qaadin qalalaasahii dhawaan ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee looga soo horjeeday safar la sheegay inuu isaga ku tagi lahaa magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]