4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Wafti kasocda dowladda Itoobiya oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa


Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya Ridwaan Xuseen, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir ku xigeenkii hore ee  wasaaradda arrimaha debada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan, oo uu madaxweynuhu sacado ka hor u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, ayaa soo dhaweeyay waftiga markii ay soo caga dhigteen madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Ilaa iyo  hada wax warbixin ah wasaarada arrimaha dibada iyo xukuumada Somaliland midna kama soo saarin socdaala masuuliyiintan Itoobiyaan ka ah.

Waftiga ayaa kusoo beegmay wakhti isbdal lagu sameeyay masuuliyiinta wasaarada arrimada dibada Somaliland, oo loo magacabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]