4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Soomaali ku nool Oslo oo ka hortagay weerar mindi ah oo uu geysan lahaa Wiil Soomaali ah
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Soomaali ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan wiil dhallinyaro ah oo Soomaali oo doonayay inuu mindi wax ku dilo.

Soomaaliga oo da’dadiisa lagu qiyaasay 27 jir, ayaa Mindi ku weeraray nin kale Marroco u dhashay, laakiin inta uusan dhibaatada geysan, ayaa Soomaali kale oo goobta ku sugnaa isku duubay oo mindida kula dhegay.

Nin Soomaali ah oo lagu magacabo Guuluud ayaa ku guulaystay inuu Mindida ka dhigo, kadibna booliiska ayaa goobta yimid oo xiray wiilka Soomaaliga ee damacsanaa inuu wax dilo.

“Haddii booliisku imaan lahaayeen way dili lahaayeen wiilka Soomaaliga sida sharciga dalkan uu qabo. Anigana waxaa igu qasbay inaan mindida kula dhego, waxay iga ahayd inaan isaga badbaadiyo," ayuu yiri Guuleed oo ka dhaawacmay mid kamid ah gacantiisa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa waxaa kusoo badanaya kuwa geysanaya weerarada loo adeegsanayo mindiyada.

Bishii june ayay ahayd markii nin Soomaali ah uu saddex qof ku dilay, lix kalena ku dhaawacay weerar Mindi ah oo ka dhacay dalka Germany.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online