5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Liiban Yusuf Cismaan "Geeska Africa isbadal kama socdee waxa ka jira duruufo"
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Libaan Yuusuf Cismaan, ayaa waraysi uu siiyay M.M TV ku sheegay in anay jirin isbadalo ka socda Geeska Afrika, taa badalkeedana uu geesku ku jiro duruufo, duruufahas oo Somaliland oo kali ahi ka bad baaday.

Wasiir ku xigeen Liibaan oo ahna ku simaha wasiirku wuxuu sheegay in waddamo badani ku hirdamayaan Gacanka Cadan ee muhiim ka ah, isla markaana laysku dayay in Somaliland la gacan bidixeeyo laakin Somaliland ay ku guulaysatay in heshiis aanay kamid ahaynin ka shaqayn gacanka.

"Geeska Afrika isbadal kama socdee waxa jira duruufo uu Geeskan Afrika ku jiro, waxa kow ka ah Gacanka Cadan oo Somaliland loo samaystay ururo isla markaana ay Somaliland ku guulaysatay in urur anay ku jirin aanu ka hadal arrinka, Somaliland dekedeeduna waxay noqotay ta ugu casrisan ee gobolku majiiranayo" ayuu yidhi wasiir libaan.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxda dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteria isbahaysteen isla markaana uu madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu Somaliland adduunka kasoo xidho, laakin uu noqday hami fashilmay. Wuxu inta ku daray in Somaliland tahay meesha kaliya ee doorasho xor ahi ka dhacday sandkii 2021.

"Waxa dhacay in saddex madaxweyne oo gobolka ahi isbahaysteen, oo Farmajo yidhi Somaliland meel kasta waan kasoo xidhay tiina way beenowday oo Somaliland meel walba way tagtay. Waxa la yidhi gobolka oodhan doorashooyin ayaa ka dhacaya sanadkii 2021, meesha kaliya ee Doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacday waa Somaliland" ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in marka la eego dhacdooyinka isdaba joogay ee kadhacay  geeska, ay Somaliland si fiican uga dabaalatay oo ay tahay meesha kaliya ee ka gudubtay duruufaha "Meesha kaliya ee nabad ah Geeska Afrika, ee doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacday ee dhaqaalaheeduna dagan yahay maanta waa Somaliland" ayuu yiidhi.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]