4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Buuq iyo Fowdo sababtay in lagu kala tago doorashadii Caawa ka dhaceysay Jowhar
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw lagu kala cararay hoolkii ay ka socotay doorashada kursi ka mid ahaa kuraasta Aqalka sare, kadib markii Xildhibaano careysan ay buuqa qalalaase wata ka abuureen goobta doorashada ka socotay.

Kursigan doorashadiisa buuqa iyo qalalaasaha dhacay dartiis lagu kala tagay ayaa waxaa ku tartamaayay ilaa shan Musharax oo midi haweeney aheyd, waxaa tanaasul hal musharax, waxaana markii wareega koowaad tirintii codadka muaharaxiinta ay soo idlaatay balse aanan lagu dhawaaqin natiijada buuq iyo fowdo waxa bilaabay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, taasoo keentay in mar qura hoolka lagu kala cararo.

Codadkii la tirayay wareegii koowaad ayay Musharaxiinta tartameysay waxay kala heleen C/qaadir Xanafi 35 cod, Cali Shacbaan 28 cod, Cabdalle Cabdi Xuseen 29 cod, Caasho Xuseen 2 cod.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle goobtii doorashada u badalaan meel fowdo ah taasoo keentay in lagu kala tago doorashadii Caawa ka socotay Jowhar.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in qalalaasaha Caawa ka dhacay hoolkii doorashada ee sababay in lagu kala cararo goobta iney ka dambeeyeen madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle, sida ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen.

Kursigaan buuqa kuso dhamaaday waxaa ka horeeyay doorashada kursi kale oo la doortay fiidnimadii hore ee Caawa, kaasoo ay ku tartameen Musharaxiinta kala ah Axmed Maxamed Cali oo loo yaqaano Afcadeey iyo Maxamed Amiin sheekh Cismaan, waxaana guuleystay Axmed Maxamed Cali Afcadeey oo helay 52 Cod, halka Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu isna helay 44 Cod.

Gabagabadii kursiga doorashadiisa Caawa fowdada kusoo dhamaaday ayaa waxa uu imaanaya xili maanta Musharaxiin dooneysay iney ku tartamaan mid ka mid ah kuraasta Aqalka sare ay sheegeen iney Jowhar isaga carareen oo ay Muqdisho kusoo laabteen, kadib markii loogu hanjabay dil, islamarkaana ay sheegeen in kursiga ay doonayeen iney ku tartamaan ay faragelin ku hayaan madaxda Hirshabeelle.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]