4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Faysal Cali Waraabe "Qabiil nacaybka waa in sharci laga soo saaraa"
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay, in loo baahanyahay in sharci ciqaabeed laga soo saaro dadka taga magaalada Muqdisho, ee kasoo horjeesta qadiyada Somaliland.

"Waxaynu wax ku noqon karnaa inagoo is jeclaana, oo qalbi fiican wada yeelana, qalbigeena hadaynu midayno, tayadeena hadaynu midayno wala wayn iyo qayr koodba inagamay adkaadeen, hada inagii ayaa layna isticmaalayaa, waxan jecelahay in aynu xeer soo saarno lagu ciqaabayo dadka khaayimiinta ah ee dalka ka taga ee magaceena sheeganaya, barmadow ayay inagu tahay arrintaasi" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in loo bahanyahay in xukuumadu abuurto xeerarka oo anay ka sugin golayaasha baarlamaanka, isagoo sheegay in xeerar laga soo saaro arrimo ay ka midyihiin qabiil nacaybka iyo sumcad dilka.

"Dowladu waa in ay xeerarka abuurta baarlamaanku wuu ka eegaa, waxan jecelahay xeerar badan in la sameeyo, kuwa amaanka la sameeyaa, magac dilka la sameeyaa, qabiil nacaybka waa in sharciyo laga sameeyaa, dadkii waynu qabanayna sharci aynu ku qabanaynaana majiro" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka qayb galay xaflada qalinjabinta dufcadii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo tiradoodu dhantahay 1,157 arday.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]