4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Madaxweyne Biixi "Waxan ugu hambalyaynayaa xisbiyada mucaaradka guulihii ay gaadheen"
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaradka Somaliland ugu hambalyeeyeen guulihii ay ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkanaa, isagoo sheegay in Somaliland dimuquraadiyada kaga duwantahay waddamada kale ee Geeska Afrika.

"Waxan aad ugu mahadnaqayaa xisbiyada mucaarad ka ah, in ay soo adkaysteen, doorashadii adkayd ay soo galeen waliba guulo ay gaadheen waan ugu hambalyaynayaa, oo maanta xilkii ila wadaagaan, wax fiican in aad keentaan baan idinku dhiirinaya dalkana aan wada dhisno" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ay Somaliland u tahay in madaxda axsaabta kala duwani ay goob kasta wada joogaan, isla markaana tar tamaan, kala badiyaan, hadana is ku hambalyeeyaan.

"Guulaha Somaliland gaadhay waxa kamid ah in ay maanta halkan wada joogaan, oo ay goob walba wada joogaan, oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan, oo ay hadana is hambalyeeyaan axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu, iyagoo walaalo ah oo midaysan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"In badan oo jaar keena ah ayaan intaa haysan, mucaarad iyo muxaafad waa wada Somaliland, waxa laysku hayaa waa anaa kugu dhaama talada iyo anaa kugu dhaama, waa in yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, Somaliland walaalo ah, Somaliland aan kala qo qobnayn" ayuu hadalkiisa ku daray Biixi.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa ka wada qayb galay, xaflada qalinjabinta dufcadii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo ka kooban 1,157 arday oo dhamaystay herarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadda.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]