4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Dowladda Mareykanka oo ka hadashay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ka bilaawday kiiska Ikraan Tahliil.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay iney muhiim tahay sidii loo wajahii lahaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo siidii loo soo dooran lahaa Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warka Mareykanka kasoo baxay lagu yiri hadii uu khilaafka sii socdo waxaa wiiqmi doono awooda dowladnimada curdinka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka faa'ideysan karaan Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweyne Farmaajo  iyo Ra’iisul wasaare Rooble   inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay si buuxda diiradda u saaraan soo afjaridda  Doorashooyinka Soomaaliya iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Doorashooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada muddada dheer ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska dowladda Mareykanka ee Afrika.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xili marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble, islamarkaana Beesha Caalamka shir ay shalay yeesheen ugu baaqeen labada masuul iney dhameeyaan khilaafkooda, kuna dhaqmaan Dastuurka dalka u yaalo.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]