4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay garoonka diyaaradaha Jabuuti
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in Agaasimahii hore ee hay'adda NISA Fahad Yaasiin diyaarad uu la socday lagu xanibay dalka Jabuuti ayaa waxaa arintaasi goordhaw ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Agaasime Cabdirashiid Xaashi ayaa si cad u sheegay in dowladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xanibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil kale oo qeyb ka aheyd Safarka Fahad Yaasiin.

"Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xanibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehlisa" ayuu yri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweye Farmaajo Fahad Yaasiin uu ka qayb gali rabay shirka Amniga Qaranka oo lagu wado inuu maalinta barito ah oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Warfaafinta Madaxdooyada :-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]