4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Midowga Musharaxiinta oo si kulul uga jawaab celiyay go'aankii Farmaajo uu awooda uga hakiyay Rooble
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul  u Cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee lagu shaaciyay in la hakiyay awoodahii Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay Warsaxafadeed ay soo saareen ku sheegeen in qoraalkii uu soo saaray Farmaajo uu ahaa mid abuuraya qalalaase amni iyo xasarad siyaasadeed oo halis galin karta qaranimada Soomaaliya, isla mar ahaantaana qoraalka uu soo saaray cadeyn u yahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan wali ka quusan damaciisa ahaa mudo kororsi.

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta soo saareen ay ku sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu jebiyay Dastuurka dalka, waxaana ay soo bandhigeen Saddex qodob oo ay ku cadeeynayaan mowqifkooda qoraalkii kasoo baxay Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]