4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Xukuumada Somaliland oo guddi u saartay dilalka ka dhacay gobolka Sool
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Kalfadhigii 79aad ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo uu shirguddoominayay madaxwayne Biixi, ayaa guddi loogu saaray dilalka soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

Wasiirka amniga Somaliland Maxammed Kaahin Axmed ayaa golaha uga warbixiyay xaalad amaan ee guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolka Sool, iyadoo goluhu isku raacay in guddi loo saaro xaalada amaan daro ee ka jirta gobolka.

"Wasiirka amniga ayaa wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga iyo nabadgelyada guud ee dalka siiyay. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee ka dhacay gobolka, isla markaana waxa uu goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo" ayaa lagu yidhi warbixin shirka laga soo saaray.

Xaalada amaan ee gobolka Sool ayaan fiicnayn iyadoo masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland iyo golaha deegaanka ee degmada Laascaanood dablay aan haybtooda la aqoonsan dilal u gaysteen wakhtiyo kala duwan.

Hadaba qaybo kamid ah dadwaynaha iyo odayaasha magaalada Laascaanood, ayaa iyaguna sheegay in ay guddi madax-bannaan u saareen amni darada Laascaanood.


Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]