4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Bangiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba 2021
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.

Bangiga adduunka wuxuu sheegay Soomaaliya in ay kasoo kabanayso musiibadii ku habsatay 2020 ee COVID-19, fatahaada, iyo Ayaxa.

Xogtii ugu dambeysay ee Dhaqaalaha Soomaaliya, Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in kororka dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu gaaro heerarka 3.2 boqolkiiba sannadka markuu yahay 2023.

Sida warbixinta lagu sheegay, dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu hoos ugu dhacay 0.4 boqolkiiba sannadkii 2020, taasoo ka liidatay 1.5 boqolkiiba oo la saadaaliyay bilowgii hore ee safmarka Covi19 adduunka oo dhan.

Qulqulka gargaarka oo aad u sarreeya, tallaabooyinka maaliyadeed oo ay dawladdu u dejisay gargaarka, iyo qulqulka xawaaladaha oo ka badan intii la filayay ayaa yaraysay saamaynta dhaqaale ee la filayay in ay ka dhashaan Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online