4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaanada aqalka sare ku matalaya Hirshabeelle oo la doortay
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaanada aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabeelle, ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo caawa la doortay saddexdii senator ee ugu horreeyay.

Fartuun Cabdiqaadir Faarax ayaa noqotay qofkii ugu dambeeyay ee kusoo baxda doorashada goor dhowayd kusoo gabagabowday magaalada Jowhar, waxaana u tanaasushay Sacdiyo Yarrow Aadan.

Doorashadii kasii horraysay waxaa kusoo baxay Nuur maxamed Geeddi Canjeex, oo helay 70 cod. Halka murashaxa kale ee Proff Maxamed Cusmaan dhaga-Juun oo la tartamayay uu helay 27 cod.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa noqday Senatorkii ugu horreeyay ee kusoo baxa doorashada aqalka sare, kadib markii uu ugu dambayn 55 cod kaga guulaystay Axmed Daaci oo helay 43 cod.

Maalinta berrito ayaa la bilaabi doonaa wajiga labaad ee doorashada aqalka sare, waxaana la dooran doonaa Sadax  kursi oo kamid ah kuraasta dhiman.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online