4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Kursigii ugu horeeyay ee Doorashada Kuraasta Aqalka sare oo goordhaw lagu soo gabagabeeyay Jowhar
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada kursigii ugu horeeyay ee kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa soo idlaatay waxaa ku wada tartamay ilaa afar Musharax oo kala ahaa Muuse Suudi Yaxalow, Axmed Xuseen Caddow Daaci, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Dr Cadaay waxaana doorashada wareegii labaad ku tanaasulay Cabdullaahi Sheekh Xasan oo wareegii koowaad helay 15 cod, halka Dr Cadaay uu isna helay 2 cod kaaso ku haray.

Wareega saddexaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xuseen Caddow Daaci, waxaana wareega sadaxaad ku guuleystay Senatar Muuse Suudi oo markale noqday Xildhibaanka Aqalka sare ee 4-ta sano ee soo socota Hirshabeelle ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo helay codad gaaraya 55 Cod, halka Axmed Daaci uu helay 43 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar, wuxuuna shaaciyay in Muuse Suudi uu ku guuleystay kursigii ugu horreeyay Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa soo gabagaboowday ayaa ahaa kursiga horayba loo sii saadaalinaayay inuu yahay midka ugu adag ee lagu tartami doono kaaso ilaa wareeg sadaxaad la isla gaaray laguna kala adkaaday cod isku dhaw marka loo eego doorashooyinkii horay uga dhacay maamulada qaar.

Dhinaca kale waxaa daqiiqado kadib bilaaban doonta doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Maxamed Cusmaan Dhega-Juun iyo Nuur Maxamed Geedi (Canjeex).

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]